Madaxweynaha Eritrea Oo Dib Ugu Laabtey Dalkiisa

133

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa Twitter-ka

kusoo qoray in madaxweyne Isaias Afwerki uu dib ugu laabtay dalkiisa kaddib booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha 72 sanno jirka waxaa Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, waxayna dib usoo celiyeen xidhiidhkii labada dal 20 sanno kaddib oo colaad dhanka xadka ay ka dhex jirtay.

Madaxweynaha Eritrea ayaa dib u furay safaaraddii Eritrea ay ku lahayd Addis Ababa taaso 20 sanno xidhnayd.