Wafdi ka socda Somaliland ayaa ka qeyb-galaya Shirka Brussels ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah xubnaha ka socda Somalilnad kana qeyb-galaya shirka ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in la tixgaliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland ee sanadkii 2013-kii oo ahaa in aan la siyaasadeen deeqaha Caalamiga ah.

“Waxaan hlkan u nimid maadaama looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, waxaan dooneynaa inaan Cadaadis saarno in heshiiskii la galay ee Soomaaliya iyo Somalilnad aan la carqaladeynin wixii horumar ah”.

Waxaa maanta ka furmay magaalada Brussels shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkan oo 2 maalin socon-doona waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha siyasadda, amniga iyo dhaqaalaha.