Dhageyso:- Kalluumeysato Lagu La’yahay Badda Puntland

262

Mas’uuliyiinta gobolka Gardafuu ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay badda ku dhex dhinteen Lix nin oo kalluumaysato ahaa.

Meydka mid ka mid ah Lixdaa nin oo ay baddu soo tuftay ayaa la helay shalay Axaddii, Shantii nin ee kale iyo Laashkii ay wateenna waxa la sheegay in ay wali badda ku dhex jiraan.

Idaacadda Voa oo la hadashay   Guure Cali Cumar oo ah gudoomiyaha degmada “Gunbux” oo hoos timaadda gobolka Gardafuu ee maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ka waramay sidii ay wax u dhaceen iyo tirada dhimashada.