Sucuudiga Oo Malaayiin Dollar Siiyay Ra’iisal Wasaare Dunida Carabta Aad Looga Necbaa

468

24 July (XN):- Mid ka mida fadeexadaha kasoo baxaya dalka Sucuudiga ayaa sheegaya in Maxamed Bin Salmaan uu lacag malaayiin dollar ah ugu deeqay Ra’iisal wasaarihii dunida carabta aadka looga necbaa ee Tony Blair kaas oo baabiiyay dalka Ciraaq islamarkaana burburiyay dalka Afghanistan.

Tony Blair ayaa waxa lagu xasuustaa beentii uu sheegay oo ahayd in dalka Ciraaq u haysto hubka wax gumaada ee Nuclearka.

Tony Blair ayaa waxa 12 ka Milyan oo dollar waxa ugu deeqay wiilka dhaxalka boqortooyada sucuudiga dumaalaya ee Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdilcasiis, Maxadka Tony blair Institute ayaa la sheegay in ay heleen 9 Milyan oo dollarka maraykanka ah waxaana kol kale ay heleen lacag gaadhaysa 3 Milyan oo dollar sannadkii 2014-ka.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay in sababta lacagtan maxadka Tony Blair uu u siiyay ay ahayd si ay u dar dar galiyaan una faafiyaan afkaarta Maxamed Bin Salmaan iyo isbadellada uu rabo in uu wax kaga badalo dalka Sucuudiga iyo manadqada uu ku yaallaba.

Arrintan ayaa waxa daaha ka fayday islamarkaana baadhay warbaahinta afka dheer ee dalka Britain kuwaas oo ugu yeedhay in lacagtaasi lagu sheegay Sadaqo ama tabarrucaad, wargayska Telegraph ayaa sheegay in aanay suurto gal ahayn in lacag intaasi leeg uu maxamed Bin Salmaan urur noocan oo kale ah ku siiyo tabarrucaad.

Shacabka dalka Britain ayaa illaa weli hadda liqi la’ taageeradii indho la’aanta ahayd ee ay la garab istaageen dalka Maraykanka markii uu weerarayay dalka Ciraaq xilligaasi oo uu shacabka dalkaasi marin habaabiyay Ra’iisal wasaarahoodii Tony Blair.