Booliska Itoobiya Oo Qabtay Hub Iyo Lacag Fara Badan

241

Booliska federaalka dalka Itoobiya ayaa guddaha iyo banaanka magaalada Adis ababa ee gobolka Oromiya ku qabtay lacag dollar ah iyo hub sharci darro ah.

Taliyaha Booliska federaalka Itoobiya Zeinu Jamal, oo shir jaraa’id ku qabtay Adis ababa ayaa soo bandhigay hub fara badan iyo lacag caddaan ah oo ku sheegay sharci darro.

Zeinu Jamal; ayaa sheegay in lacagta caddaanka ah ee ay qabteen ay gaadheyso $10 Milyan oo doollarka Mareykanka ah .

Waxaa kale oo uu sheegay in hub gaadhaya 1,000 qori oo isugu jira kuwa tooska u dhaca iyo kuwa fud fudud, sidoo kalena ay qabteen 80,000 oo rasaas ah, kuwaas oo qaab suuq madow ah lagu geliyay gudaha Itoobiya.

Taliye Jamaal ayaa sheegay in hubka iyo lacagtaba si sharci darro ah lagu geliyay Itoobiya isaga oo intaas ku daray in dalka Itoobiya laga geliyay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hayaan dadkii Hubka iyo lacagta sharci darrada ah geliyay Itoobiya isaga oo intaas raaciyay in sharciga la horgeynayo.

Xornimonews

Hargeysa, Desk