Darawal Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Itoobiya

266

24 July (XN):- Ha’adda badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ayaa waxa ay dawladda itoobiya ka codsatay iyo baadhitaan rasmiya ku samayso weerar lagu qaaday gaadhi ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Wargeyska caalamiga ah ee Th Reporter kaasi oo hoos taga lana shaqeeya Warbaahinta Dire Dawe Maas Media Agency.

Weerarka lagu qaaday gaadhigan ayaa waxa ku dhinta Darawalkii Gaadhiga kaasi oo la odhan jira Saleebaan Axmed.
Hay’adda Badbaadada Suxufiyiinta ayaa waxa ay dawladda ugu baaqday in Dambiilayaasha dilkaasi gaystay la horkeeno caddaalada islamarkaana laga jaro ciqaabta dilkaasi ay geysteen.

Shaqaalaha Wargeyska The Reporter ayaa sida ay qortay Idaacadda Dalsan waxa lagu weerarary 13kii bishan Degmada Meiso kana tirsan maamulka Oroada ee Bariga Itoobiya, xilli shaqaalahaasi ay ku sii jeedeen dhinaca caasimada Adis Ababa si ay warar uga soo helaan socdaalkii madaxweynaha Eritrea uu ku yimid dalka Itoobiya gaar ahaan Caasimadda Addis Ababa.

Wargayska The Reporter ayaa qoray in dhallinyaro kasoo jeedda qoomiyadda Oromada ay jid-gooyo ugaleen gaadhigii ay la socdeen Shaqaaluhu, islmarkaana waxa ay garaacis nafta kaga jareen darawalkii gaadhiga waday oo kasoo jeeday qoomiyadda Soomaalida ee deggan Bariga Itoobiya.

Marxuum Sulaybaan Darawalkii gaariga ayaa waxa uu galay Koomo ama miyir beel kadib garaacitaankii loo geystay oo sababtay in uu geeriyoodo 19kii bishan.

Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa ahaa Aabe 37 jir ah kaasi oo dunida kaga tagay 3 Carruur ah isaga oo rajaynayay in ilmihii afraad u dhasho, waxaana uu u shaqaynayay Wargayska The Reporter muddo 5 Sano ah.