Faahfaahin: Dagaal Beeleed Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Ceerigaabo

464
File Photo - Google

Saaka subaxnimadii hore ayay ahayd markii laba beelood oo wada deega deegaanka Ceeryan oo katirsan gobolka Sanaag ay ku dagaalameen. Dagaalkani aya sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 8 qof oo labada dhinacba.

Beelahani diritu dhex martay ayaa la sheegay in ay muddo ka soo dhex taagnaa murran beeleed soo jiitamaayay. Beelahani ayaa isku haysta dhul halkaasi ku yaala.

Xildhibaan Faarax Caydiid Faarax Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo u warramay idaacadda Voa laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dagaalkani uu saaka bilaabmay. Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray in aanu dagaalkani xidhiidh la lahayn colaaddaha ee ka taagnaa deegaanka Ceel-afweyn.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatada halkaasi ka taagneyn in muddo ahba. Saddex maalmood ka hor ayuu xusay xildhibaanku in shaqaaqo halkaasi labadan beelood ku dhex martay hase yeeshe hadda ay xaajadu culus tahay.

Halkan ka dhageyso wareysiga Xildhibaanka 

Xukuumadda Somaliland oo iyadu ka hadashay dagaalkani saaka dhacay ayaa sheegtay in aanay garanayni waxa sababay waxaanay ugu baaqeen labada dhinacba in ay dagaalka joojiyeen. Dagaalkani ayaa u dhaxeeya beelo dhawaan gogoshooda nabaddeed lagu soo af-jaray deegaanka Ceel-afweyn.

Deegaanka Ceeryaan ayaa 70km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Xornimonews – Hargeysa, Desk