Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay In Guddoomiyahoodu Is Casilaayo

559
Golaha guurtida Somaliland - sawir hore/Google

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa ka hadlay warar maalmihii u danbeyey ay qorayeen warbaahinta qaar oo sheegayey in guddoomiyaha golahaasi uu is casili doono. Waxa uu sheegay in wararkaasi aanay waxba ka jirin oo sal iyo raad toona lahayn. Waxa uu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata in warbaahintii waxaas qortay

“Haddii uu guddoomiyhu is-casilaayo, dee intaanu guddoomiyuhu tegin ayuu is casili lahaa, ama dee warqada is casilaada ayuu gollaha u soo gudbin lahaa…” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali

Saleebaan Maxamuud Aadan guddoomiyaha golahaasi ayaa fasax nasasho ah ugu maqan dalka Ingiriiska sida uu xaqiiyey ku-xigeenkiisu.

Guddoomiyaha golaha gurtida Somaliland oo muddo dheer xilkaasi hayay ayaa sheegay in aanu marnaba is casilayn oo uu u tartamaayo xilkaasi.

Xornimonews – Hargeysa, Desk