Japan: Heerkulka Oo Gaadhay 38C Markii Ugu Horreysay Muddo 140-sano Ah

292

Xukuumadda Japan ayaa shacabkeeda uga digtay in ay qaataan tallaabooyin taxadar leh oo ay naftooda kaga badbaadinayaan kuleylaka ku dhuftay gobollada kala duwan ee dalkaasi, kaas oo ay u geeriyoodeen 30 qof oo dad waayeel ah u badan.

Magaalada Kyoto, heerkulka waxa uu gaadhay 38oC, muddo 7 cisho ah oo xidhiidh ah.

Dhacdadan ayaan dalkaas lagu arkin laga soo bilaabo markii ugu horreysay ee la bilaabo uruurinta xogaha cimillada guddaha dalka Japan oo hadda laga joogo 140 sano.

Mowjadahan kuleylka ah ee dalka Japan ku dhuftay waxey xayireen dedaalladii gurmadka loogu fidinayay galbeedka dalkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 qof oo ku waxyeelloobay daadad ku soo rogmaday xilli sii horreeysay oo bishan aan ku jirno ah.