Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Ku Dhawaaqay Wasiir U Sharaxan Xilka Madaxwaynenimo Ee Puntland

365
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey - Sawir hore /Google

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo ka qeybgalay shirka madasha haweenka ganacsatada ee Puntland ayaa sheegay in wasiirka ganacsiga maamulkaasi Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-gurran uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Puntland dorashada dhowaan lafilayo in ay Puntland ka dhacdo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa wasiirka kula dardaarmay marka uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha dowlada Puntland in laga doonayo in uu wasiirka ganacsiga umagaacabo qof haweeney ah.

Waa markii ugu horeysay ee maamulka Puntland sheego wasiir ka tirsan xukuumaddoodu in uu sharaxan yahay xilka madaxwaynenimo. Doorashada Puntland oo la filaayo in ay qabsoonto sannadka 2019 waxa hadda isku soo taagay tiraba dhowr musharax. Inkasta oo walaac laga qabo in ay doorashadu dib u dhac ku yimaado.

Xornimonews – Hargeysa, Desk