Mujaahid Axmed Mire Oo Ka Cudurdaartay In Uu La Kulmo Muuse Biixi

644

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kagu guuldareystay kulan la doonayay in ay yeeshaan madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed. Wararkani waxay sheegayaan in mujaahid Axmed Mire uu si cad uga cudurdaartay in uu kulan la qaato Muuse Biixi – sida uu qoraayo wargeyska geeska Afrika oo warbaahinta Xornimo soo xiganayso.

Sababa uu Axmed Mire kulankan madaxwaynaha uga cudurdaartay ayaan la ogeyn ilaa hadda. Dedaalkan la doonayay in lagu kulan siiyo madaxwaynaha mujaahid Axmed Mire oo kamid ahaa saraakishii ugu sarreysay ururka SNM ayaa ku soo dhammaaday guul-darro.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore kulan ula qaatay Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan saraakiisha xisbiga WADDANI.

Ugu danbeyntiina Axmed Mire ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka qeyb galay shir ballaadhan oo ay beeshiisu ku qabsatay buurta gacan libaax ee gobolka Saaxil.

Xornimonews 

Hargeysa, Desk