Muslimiinta Dalka Philippine Oo Halgan Dheer Ka Dib Loo Oggolaaday Ismaamul U Gaar Ah

375

Philippine (Xornimonews):- Madaxweynaha dalka Filibbiin Rodrigo Duterte ayaa qalinka ku duugay heshiis caalami ah oo muslimiinta dalkaasi u oggolaanaya in ay helaan maamul goboleed iyo waliba maamul hoosaad iyaga u gaar ah, taasi oo ay u dagaallamayeen muddo ka badan 25 sano.

Jabhadda la yidhaahdo Moro Libration Front (MLF) oo la aasaasay sannadkii 1970-kii oo dagaal ugu jirtay in Muslimiinta dalkaasi Philippine la siiyo maamul goboleed iyo maamul hoosaad u gaar ah kana ka madax bannaan kuwa kale ee dadka Kiristaanka ah ayaa wada hadallo ay kula jireen dawladda dalkaasi dhawr jeer dib u dhac ku yimid tan iyo markii ay bilaabmeen sannadkii 1996-kii.

Wadahadalladii u dhexeeyay dawlada philippine iyo jabhadda muslimiinta ee Moro Libration Front (NLF) soona bilaabmay 1996-kii xilligii Madaxweyne Fidal Ramos  ayaa burburay ka dib markii madaxweyne Joseph uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Jabhadda sannadkii 1999-kii dagaalkaasi oo dhiig badani ku daatay.

Wadahadallada ayaa waxa ay dib u bilaabmeen sannadkii 2001-dii markii ay talada dalkaasi qabatay haweenaydii la oran jiray Gloria iyada oo dib u bilawday wadahadalladii Jabhadda Muslimiinta iyo dawladda u dhexeeyay, haatanna wadahadalladii ay guul gaareen.

Muslimiinta waddankaasi ayaa wax loo oggolaan doonaa inay yeeshaan maamul goboleed u gaar ah iyo sidoo kale maamul hoosaad illaa maxkamadaha ay isku xukumi doonaan shareecada islaamka, waxaana u dheer in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan dakhliga guud ee dalka sida cashuuraha IWM.

Madaxweyne Diterte ayaa isna sheegay in sababta uu heshiiska baaxaddaa leeg uu qalinka ugu duugay ay tahay sidii amniga waddankaasi uu u soo celin lahaa.
Dhanka kale af-hayeen u hadlay jabhadda ayaa sheegay in heshiiskaasi aanu ahayn kii ugu wanaagsanaa balse uu ahaa xalka ugu dhaw ee lagu badbaadin karayay dadka muslimiinta ah ee dalkaasi, waxaanu yidhi “Hadii rabbi oggolaado waxaanu ku dadaali doonnaa sidii aanu u horumarin lahayn nolosha dadkayaga xabbadana aanu u joojin lahayn” sidaa waxa yidhi Qasali Jacfar oo lahadlayay wakaaladda wararka ee AP.
Dagaalka muddada 30 ka sano ah socday ayaa waxa ku dhintay in ka badan 90,000 oo ruux.

Muslimiinta waddankaasi philippine ayaa waxa ay leeyihiin taariikh dheer waxaana lagu xasuustaa dagaalkii ay la galeen gumeystihii maraykanka ee dalkaasi ku habsaday qarnigii 20-aad iyo weliba dagaalkii ba’naa ee ay la galeen Isbaanishka qarnigii 17-aad kaasi oo ay ku diidanaayeen in dadka oo dhan laga dhigo Kiristaan.

Warbaahinta Xornimonews.

Hargeisa desk

Xornimonews@hotmail.com