Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Xeerka Saami-qeybsiga

499

Shir guddoonka gollaha wakiilada Somaliland ayaan ka hadlin marnaba arrinta saami qeybsiga oo muran badan ka dhex dhalisay golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaanno badan oo golaha wakiiladda Somaliland ayaa tiraba dhowr jeer ka hadlay saami qeybsiga kuraaska golaha wakiiladda Somaliland iyagoo sheegay in aanay ku qanacsanayn. Beelaha darafyada Somaliland ayaa ah iyagu kuwa salluugsan kuraasta ay ku leeyihiin golahaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo goor dhaweyd warbaahintu wax ka weydiiysay ayaa ka gaabsaday in uu si cad uga hadlo tabashada iyo muranka ka taagan kuraasta golaha wakiladda Somaliland.

Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu soo gudbiyey xeer saami-qeybsi isla markaasi uu ilaa hadda golaha horyaalo waajibaadkii dastuuriga ahaana ay iyagu marin doonaan.

Baashe waxa uu intaasi ku daray in madaxwayne Biixi uu ka maqlay xalay in aanu rabbin in sidaasi doorashada golaha wakiilada lagu galo, ee wax ka bedel lagu sameeyo.

Ugu danbeyntiina warar soo baxaya ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu  shir-guddoonka golaha wakiiladda amar ku siiyey in aanay ka hadlin arrimaha khuseeya saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiiladda Somaliland.

Muranka ka taagan saami-qeybsiga golaha wakiiladda Somaliland ayaa keenni kara haddii aan si deg deg ah loo xelin dib u dhac ku yimaadda doorashada golahaasi oo muddooyin badan muddo dhaaf ku yimid. Doorashada golaha wakiiladda ayaa la filayaa in ay qabsoonto sannadka soo socda ee 2019-ka.