Taliyihii Hore NISA Ee Degmada Waaberi Oo La Dilay

355

Waxay ahayd galabta markii rag ku hubeysnaa bustoolado waxa ay  Suuqa Bakaaraha ee magalada Muqdisho ku dileyn sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Ismaaciil Cidhiidhi, waxaan xiliga la beegsnaayay uu marayay suuqa bakaaraha gaar ahaan boosteejada laga raaco gawaadhida dadweynaha.

Sarkaalka ayaa waxa uu mar soo noqday Taliyaha ciidanka Nabadsugida ee degmada Waaberi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in raggii ka dambeeyye dilkaas ay goobta ka baxsadeen. Kaddib markii ay dilka geysteen.

Lama oga sababta loo dilay, se inta badan dilalka noocan ah ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xornimonews – Muqdisho, Desk