Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaanka Ceeryaan

454

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo xanaanada xoolaha Somaliland iyo wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Somaliland ayaa ka hadlay dagaal beeleed ka dhacay saaka subaxnimadii hore ee saaka deegaanka Ceeryaan oo koonfur ka xiga magaalada Ceerigaabo.

Wasiirradan oo ku sugan magaalada Ceerigaabo oo warbaahinta halkaasi kula hadlay waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin shaqaaqooyinka ka jira gobolkaasi, waxaanay intaasi ku dareen in dagaalka la jojiyey. Nabadda labadaasi beeloodna ay si deg deg ah uga shaqeyn doonaan ka xukuumad ahaan.

“…maalayacniga laysu dilaayo, labadan la leeyahay saaka wey is dileen wax alaale waxay isku dileen garan mayno…” ayuu yidhi Boos Mire Maxamed wasiirka wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen dagaalkaasi saaka tiro intaasi ka badana ay ku dhawacmeen labada dhinacba.

Halkan ka daawo muuqaalka warkaasi [Guji] 

Xornimonews – Hargeysa, Desk