Dhageyso:- Haween Lagu Kufsaday Beled Xaawo

300

Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.

Mas’uuliyiinta ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda ay tuhunsan yihiin in falkaasi ka dambeeyeen. Falkan ayaa dhacay maalintii shalay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Beled Xaawo.

Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan oo la hadlay idaacadda Voa ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay mas’uuliyiinta dawladda Kenya ee ku sugan xuduudda.