“Faysal Waa Qaran Dumis Isaga Iyo Qeyrkiina Waa In Sharciga La Mariyaa” Xildhibaan Nac Nac.

350

Hargaysa (Xornimonews):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha wakiillada Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu horrayn ka hadlay go’aanno kala duwan oo la horkeenay golaha wakiillada Somaliland waxaana uu tilmaamay in go’aannadaasi ay saameynayaan cid kasta oo kulan la yeelata Masuuliyiinta dawladda Somaliya isaga oo ku baaqay in Sharciga la horkeeno Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe kaasi oo Shirkii Brussels kula kulmay Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxaana uu yidhi” Faysal iyo Qeyrkiiba way saamaynaysaa waxa weeyaan mar haddii xeer baarlamaan laga soo saaray waxa loo baahanyahay in xeerka lagu socdo oo madaxweynahay qabanaysaa oo cid walba way qabanaysaa oo markaa waa in qofkii xeerka jabiya lagu daw mariyaa, Buur madawba waa kii tagay ee loo cuskaday markaa waxa weeyaan in Baarlamaanka Guurtida iyo qof kasta iyo Xildhibaan kasta hadhawba waa la yaaci doonaa hadii aan xeerkaa lagu socon; Markaa Madaxweynaha waxa aanu leenahay waa in xeerkaa la fuliyaa”.

Xildhibaan Nac Nac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay kulankii Faysal Cali Waraabe ee Waddanka Biljamka waxaanu yidhi ” Qaran jab iyo Qaran dumis weeyaan oo weliba Faysal aflagaado ayuu inoo gaystay wuxuu yidhi kuwan Somalilandtu meelahaas ayuunbay ka qeyl qeylyaan, taasina innama qabato waana in xeerka la tusaa Faysal iyo Qeyrkiiba”.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka isku dilaya bariga Somaliland in ay nabadda Qaataan.

Xornimonews

Hargeisa Desk

Xornimonews@hotmail.com