Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Soomaaliya Iyo Somaliland

429
Photo File - Google

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aan ay u soo safrin Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga Soomaaliya iyo Somaliland iskaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth.

Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay in ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aan ay tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirrada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in argigixisada ay weerarro ku qaadi karaan dhammaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay afduub ka fulin karaan goob walba Somaliland iyo Soomaaliya ah. Waxa ay argigixasada u hanjabeen reer galbeedka iyo shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya hey’adaha reer galbeedka. Waana hanjabaad ay si joogta ah ula kulmaan reer galbeedka ku sugan guddaha Soomaaliya iyo Somaliland.

SOURCE: Halkan ka akhriso warbixinta [GUJI] 

Xornimonews – Hargeysa Desk