Maxaadan Ogayn Oo Ka Socda Magaalada Jigjiga Ee DDSI ?

544

Jigjiga (Xornimonews):- Wararka aan ka helayno caasimada degaanka somalida Itoobiya ee jigjiga ayaa sheegaya in labadii habeen ee ugu danbaysay ay ka socdeen xidhxidh baahsan oo lagu ugaadhsanayo dhalinyarada baraha bulshada ku dhaliisha maamulka degaanka gaar ahaan madaxweynaha DDSI cabdi maxmud cumar waxay wararku sheegayaan in dhalinyaro badan oo qaab sirdoon u shaqaysa ay dhibaato ku hayaan dhalinyarada cabirta fikirkooda kuwaas oo loo shaqaaleeyay xog ururinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dghalinyarada.

dhawaan bay ahayd markii mudaharaado ay ka dhaceen qaybo kamid ah degaanka gaar ahaan caasimada jigjiga waxaana jira cabsi iyo cago juglayn baahsan oo ay dhalinyarada schoolada iyo jaamacadahu wajahayan.

Dhibaatadan ayaa imanayasa xili isbadalo guud  ka curteen dalka Itoobiya laakiin aad moodo in maamulka kililku wali sii wado xidhxidhki, cago juglayn, iyo handadaadii shacabka.

Source: Jigjiga.net