Pakistan: 25 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Goob Ay Ka Socotay Doorasho

296

Ugu yaraan 25 Qof ayaa la xaqiiijiyay in ay geeriyoodeen halka dad ka badan 40 kale ay ku dhaawacmeen magaalada Quetta ee galbeedka dalka Pakistan.

Sarkaal ka mid ah booliska ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qorxiyay goob ay dadka saf ugu jireen si ay uga codeeyaan doorashada saaka ka socota Dalka Pakistan.

Doorashadan waxaa codeynaya 106Milyan oo reer Pakistan ah, waxaana lagu sheegayaa in ay tahay doorasho u dhaxeysa xisbiga raysalwasaarihii  hore ee Nawaz Sharif oo xabsi ku jira iyo xisbi uu hoggaamiyo ciyaaryahankii hore ee Kirikitka Cimraan Khan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan