Pakistan Oo Looga Dareeray Doorasho Xaasaasiya

308

Malaayiin ruux oo reer Pakistan ah ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan dowlad kale oo rayid ah.

doorashadan oo si weyn loo sugayay ayaa waxa loollan adag uu ku dhex mari doonaa 30 xisbi oo 4 ka mid ah ay si weyn ugu tartami doonaan doorashadaasi.

Goobaha cod bixinta ee doorashada golaha Baarlamaanka ayaa la furay saaka 8-dii Subaxnimo ee xilliga waddankaaa si ay u doortaan 272-ka Xubbnood ee golaha Baarlamaanka waxaana la xidhi doona 5-ta galabnimo. Goobaha ay yaallaan sanaaduuqda codbixinta ayaa tiradoodu dhantahay 85,000 oo goobood  waxaana ka hawl galaya dhanka ammaanka  800,000 oo ciidanka Booloska ah.

In ka badan 30 Xisbi iyo waliba 12,570 musharrax ayaa u baratamaya hanashada codka dadka gaadhaya 106-da Milyan ee dhiibanaya codkooda maanta oo Arbaca ah.

Doorashada dalkan ayaa aad isha loogu hayaa maadaamaa dalka Pakistan uu yahay mid aad muhiim ugu ah dunida Muslimka, waxaana 30-ka xisbi ee u tartamaya doorashadan ugu awood badan 4 ka mid ah kuwaasi oo lafilayo in loollan adagi dhex mari doono.4 tan xisbi ayaa waxa ka mid ah Pakistan Tahreek e- Ensaf (PTI) oo uu hoggaaminayo siyaasiga ciyaarta Cricketka caanka ku ah ee Imran Khan,  Pakistan Muslim League-Nawaz (PML-N),  waxaana hogaaminaya ra’iisal wasaarihii hore ee waddanka Nawaz Sharif, The Pakistan People’s Party (PPP) oo isna uu hoggaaminayo Bilawal Bhuto Zardari iyo weliba Xisbiga islaamiga ah ee Mutahida Majlis E-Amal (MMA) waxaana la rajaynayaa in xisbiyadaasi si weyn ugu guulaysan doonaan kuraas badan.

Dalka Pakistan oo muddo xileedka Ra’iisal wasaaruhu yahay 5 sano ayaa 75-kii sano ee u dambeeyay aanu jirin ra’iisal wasaare muddo xileedkiisa dhammaystay, doorashadanna waxay noqonaysaa tii ugu dimuqraadisanayd ee ka qabsoonta waddankaasi tan iyo 2013kii.

Kala soco halkan wixii warar ah.