Qaraxyo Xooggan Oo Lagu Burburiyay Laambadaha Ileyska Qorraxda Ee Magaalada Baladweyne

260

Baladweyne (Xornimonews):- Qaraxyo xooggan ayaa xalay laga maqlay gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, qaraxyadan ayaa waxa lala beegsaday tiirarka ay ku yaallaan laambadaha ileyska qorraxda ku shaqeeya ee gudaha Magaalada Baladweyne.

waxa ay wararku sheegayaan in ku dhawaad in ka badan 5 tiir oo ay surnaayeen khashaafadaha ku shaqeeya ileyska qorraxda lagu xidhay walxaha qarxa islamarkaana ay gebi ahaanba bur bureen.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxyadaasi xalay magaalada ruxay marka laga tago burburka tiirarkaasi.Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay idaacadda Shabeelle ayaa qarxyadaasi ku eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Alshabaab.Qaraxyadana ayaa kusoo beegmaya xilli maamihii u dambeeyay dilal aad u badan iyo kuwo qorshaysani ay ka dhacayeen gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.