“Shaqsiyaad Ka Tirsan Dawladda Ayaa Al-shabaab Xogta U Gudbiya” Salaad Cali Jeelle

441
Siyaasi Salaad Cali Jeelle - Sawir hore /Google

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in shaqsiyaad ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab u fududeeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo gobalada.

Siyaasiga ma sheegin magacyada shaqsiyaad ka ka tirsan dowlada, balse waxaa uu iftiimiyey  in ay jiraan dadka ku lug leh fududeynta qaraxyada iyo weerada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan Soomaaliya.

“Argagixisada waxay lafteeda gudaha dowladda ku leedahay taageero ay xog ku heli karaan, haddii ay yihiin dad heli kara xogaha oo amniga ka mid ah iyo kuwa macluumaadka heli kara”ayuu yidhi Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay sameysay dadaal badan, isla markaana la soo xidhay waddooyinka, haatan ay bilaabatay in la iska wareysto sababta Al-Shabaab ku soo gudbeen oo ay qaraxyo u sameeyaan.

Salaad Jeelle ayaa caddeeyay in dad aan ammaanka khibrad u aheyn xilal loo dhiibay, loona baahan yahay dadka khibradaha leh howsha amniga loo xilsaaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin is bedelo loogu sameynayo laamaha ammaanka, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa loo xidhay saraakiil iyo askar, halka shaqooyinka laga caydhiyey  saraakiil ay taliye ku-xigeeno ku jiraan.

Xornimonews – Muqdisho Desk