Wakiilka QM Ee Somaaliya Oo Madaxweeyne Gaas Kala Hadlay Colaadda Tuke-raq

338
Keating iyo Gaas - Sawirka warbaahinta Puntland

Wakiilka QM ee Soomaliya Michel Keating  ayaa magaaladda Garoowe  ee xarunta maamulka Puntland waxaa uu kula kulmay madaxwayne Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, labadda masuul waxay kawada hadleen Colaadda Tuke-raq.

Kullankan ayaa diirada lagu saaray sidii madaxda Puntland ay xoogga u saari lahaayeen dejinta xiisadda colaaddeed ee deegaanka Tuke-raq.

Amb. Keating ayaa hore u yimid magaalada Hargeysa isagoo kullan noocan ah o kalena la qaatay madaxwyane Biixi.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in kullankani uu wax weyn ka bedeli doono xiisadda colaaddeed ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland. Madaxwayne Gaas oo kullanka kadib hadlay wuxuu sheegay in weli aanu mawqifkiisa iska bedelin waxa kale oo uu sheegay in aanay nabaddi jiri doonin ilaa inta dhulka laga haysto ay helayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Keating oo isna ka hadlay kullanka waxa uu sheegay in mar walba loo baahan yahay in labada dhinac nabad laga dhaliyo, waxaanu sheegay in ka Qarama Midoobay ahaan ka xun yihin xaaladda colaaddeed ee halkaasi ka taagan.

Deegaanka Tokeraq ee gobolka Sool waxaa ku dagaalamay Somaliland iyo Puntland, waxaa dagaalkooda ka dhashay khasaare labada dhinac kala gaadhay.

QM ayaa horay ugu baaqday dhinacyadda in ay colaadda damiyaan.

Xornimonews – Garoowe Desk