Xisbiga Ucid: Faysal Ayaa Ka Saameyn Badan Madaxwaynaha

497

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid SLN ayaa sheegay in ay maqleen in guddoomiyahooda xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe la xidhi doono beri marka u dalka ku soo laabto.

Cabdiqani Salaf oo kamid ah saraakiisha xisbiga Ucid oo warbaahinta guddaha la hadlay waxa uu sheegay in aanay jirin haba yaraatee cid xidhi karta guddoomiyahooda maadamabuu yidhi aanu maanta Faysal ahayn qof la xidho. Sarkaal Salaf wuxuu sheegay in guddoomiyahoodu uu mar walba danta qaranka Somaliland ka shaqeeyo in la xidhana ay tahay khalad.

Wuxuu intaasi ku daray sidoo kale in madaxwaynaha Somaliland Faysal Cali Waraabe uu dalka kaga saameyn badan yahay. Salaf wuxuu kale oo caddeeyey in guddoomiyahoodu la kulmay madaxwayne Farmaajo taasina aanay khalad ahay “…Farmaajo waa lala kulmi karaa ileyn maaha yuhuuddiye waa qof muslim ah, Farmajana danbaa inagag xidhan…” Ayuu yidhi.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan la kulmay madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono marka uu dalka dib ugu soo laabto. Faysal Cali Warabe dadka siyaasadda fallan-qeeyaa waxay sheegeen in uu u janjeedho dhanka xukuumadda.

Xornimonews – Hargeysa Desk