Afar Qof Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gobol Ka Tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

774

Jigjiga (Xornimonews):- Wararka Ka imanaya Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Magaalada Nagayle ee Gobolka Liibaan ayaa waxa ay sheegayaan in dabley Oromo ahi ay dileen Afar qof oo Soomaali ah.
Dableydan Oromada ah ayaa la sheegay in ay gaadhi kala dageen Afarta qof oo ahaa rag Soomaali ah kuwaas oo socday Waddada isku xidha magaalooyinka Nageyle iyo Dheko Saaftu ee Gobolka Liibaan ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dableydan ayaa waxa ka badbaaday nin iyo labo carruur ah oo uu watay , kadib markii dableyda Oromada ahi aqoonsan kari waayeen in Ninkan iyo labadiisa carruur ahi ay Soomaali yihiin iyo in kale.
Afarta Nin ee la dilay ayaa waxa wararku sheegayaan in ay isku Qoys ahaan dhammaantood, waxaana ay ku socdeen Beer ay rabeen in la falaan Nin Qoyskooda ah oo u yeedhay.
Dhawaanahan waxa soo noq noqonayay dilalka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, waxaana dilalkan ugu dambeeya ay dhacayaan xilli isbaddel weyni ka dhacay guud ahaan dalka Itoobiya balse illaa weli dhibta labadan qowmiyadood looma helin xal waara.