‘Anigu Nin Somaliland Looga Baqo Ma Ihi…” Faysal Cali Waraabe Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

1118
Faysal Cali Waraabe - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland

Guddoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyey madaaarka Cigaal International Aiport oo uu ka soo degay goor dhaweyd kadib markii uu ka soo laabtay shir uu kaga qeyb galay dalka Belgiumka kaas oo loo qabtay dawladda Soomaaliya iyo maamuladdeeda.

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay kadib soo dhaweyntiisa waxa uu shegay in u ku faraxsan yahay in dalkiisa si diiran maanta. Faysal waxa uu sheegay in aanu ahayn maanta nin looga baqaayo qarannimada Somaliland oo uu yahay nin ku adag.

“Anigu ma ihi nin maanta Somaliland looga baqaayo…” ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaalka Tuke-raq, shirkii Brussels, iyo arrimo kale oo door ah.

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa hore waxa uu walaac uga muujiyeen in xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe ay kku xidhayso guddoomiyahooda.Geesta kale waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland qaadacday oo loo qabtay Somaliya.

Faahfaahinta warkan muuqaalkiisa kala soco halkan daqiiqado kadib 

Xornimonews – Hargeysa, Desk