Daawo: Khamri Tiro Badan Oo Lagu Qabtay Boorama

250

Laamaha amniga ee gobolka Awdal ayaa sheegay maanta in ay gacanta ku dhigeen khamri tiro badan iyo xashiishad. Maandooriyahani ayey sheegeen in ay ka soo qabteen xuduudka u dhaxeeya waddanka Itoobiya iyo Somaliland.

Saraakiisha kala duwan ee amniga iyo xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa magaalada Boorama ku gubay maandooriyahaasi. Waxay si wada jir ah waraabihinta ugu sheegeen in talaabo laga qaadi doono cid walba oo lagu qabto maandooriye.

 

Xornimonews – Boorama, Desk