Dowladda Soomaaliya Oo Xabsiga Dhigtay Agaasime Lagu Eedeyay Musuq-Maasuq

276
Google photo file

Daahir Maxamed Nuur oo ahaa agaaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ayaa lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”. Agaasimahani ayaa lagu waramayaa in dawladda DF Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay kadib markii ay soo baxeen eedo musuq-maasuq.

Xarunta CID-da ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xidhan yahay agaasimahani, halkaasi oo su’aalo la xidhiidha eedaha loo soo jeediyey la weydiinaayo.

Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (siddeetan iyo afarkun oo doollar) – sida ay qortay idaacadda Dalsan oo ay soo xiganayso warbaahinta Xornimo.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq-maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.

Xornimonews – Muqdsho Desk