Erdogan Oo Sheegay In Dalka Adduunka Ugu Argagixisani Yahay Israel Iyo Natenyahu Oo U Jawaabay.

343

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu ku tilmaamay dalka Israel in uu yahay dalka adduunka ugu argagixisan, ugu takoorka badan iskamarkaana ah Cunsuriyadda koowaad ee adduunka ka jirta.
Madaxweyne Erdogan oo la hadlyayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo xildhibaannada aqalka Baarlamaanka ee xisbigiisa AK Party ayaa wuxa uu  sheegay in dhawaan markii golaha Bàarlamaanka ee Israel ay ansixiyeen in Israel ay noqoto Qaran ay dadka Yuhuudda ahi gaar u leeyihiin ay tahay mid u muuqato midab kalasooc xooggan, oo ay tahay masiibo caddaynaysa in adduunka dal la nooc ahi aanu jirin, iyadoo lahaanshaha dhulkaasna ay meersadeen si gaar ahna ay isugu qoreen.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Israel sidoo kale  ay ka saartay luuqadda Carabiga luuqadaha rasmiga ah ee waddankaasi looga hadlo iyada oo kamid ahayd labada luuqadood ee dalka, waxaanu ugu baaqay caalamka Islaamka,Caalamka Kiristaanka iyo ka Dimuqraaddigaba in ay qaadaan dagaal dhinaca afkaarta ah oo looga soo horjeedo Israel iyo waxa ay sameynayso.

Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Israel Bin yamen Natenyahu ayaa hadalladan ad adag ee Erdogan ku ganay Israel waxa uu kaga jawaabay bartiisa Twitterka waxaana uu Madaxweyne Erdogan ku sifeeyay in uu yahay mid diktaatooriya oo maalmo madaw galiyay dalkiisa islamarkaana aanu Israel waxba ka sheegi karin dadka haysta dhalashada Israelna ay leeyihiin xuquuq siman iyo caddaalad xagga sharciga ah.

Afhayeenka Madaxweyne Erdogan Ibrahim ayaa waxa uu ugu yeedhay hadalka Natenyahu in uu yahay mid aanay cidna ka dhageysanaynin waxaanu yidhi “Cidna kaama dhagaysanayso inaad Erdogan u khudbayso una sheegto waxay tahay bani’aadaminimada iyo xuquuqal insaanku waayo waxaad tahay dalka midab kala sooca dunida, dhisana is gumaysiga,barakicinta, leynta haweenka iyo carruurta yar yar iyo weliba dhibaataynta dadka oo dhan sidaa daraadeex dal adduunka idinla mid ahi ma jiro ceebta idin saaranna cid ay saarantahay caalamka oo dhan ma jirto”.

Labada dal ayaa beryahanba hadallo ad-adag is dhaafsanayay balse tan ayaa kusoo aadaysa kadib markii baarlamaanka Israel ay ansixiyeen sharci dhigaya in Israel ay leeyihiin dadka Yuhuuda oo kali ahi.