Kenya Oo Ciidamo Tiro Badan Soo Dhoobtay Xadka Soomaaliya

300

Beled-Xaawo ( Xornimonews):- Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ugu dambeeyay Ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Wararka laga helayo xadka labada dal ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi, iyagoona ku soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan arday ku sugan deegaanada dhaca xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale howlgalladan ayaa lagu soo warramayaa in ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii xadka, gaar ahaan labada shacab ee isaga kala gooshi jiray halkaasi.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay maamulka degmada Beled-Xaawo iyo Ciidamada dowladda Kenya.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Ismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay xiisadaasi.

Waxaana uu sheegay in ay ka dhalatay kadib markii Ciidamada Kenya ay difaaceen nin uu sheegay in uu dil ka geystay Magaalada Beled-Xaawo ee gobolkaasi Gedo.
Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Beled-Xaawo ayaa dhibaato ka geysta magaaladaasi, iyadoona dibadbaxyo looga soo hor jeedo dhibaatooyinkaasi ay ka dhaceen gudaha gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Source:Idaacada Shabeelle