Qodobbo Dowlad Walba Ku Yareyn Karto Musuq-maasuqa

272

Hay’adda daahfurnaanta ee caalamiga ah oo ka shaqaysa la dagaallanka iyo dabagalka musuqmaasuqa, ayaa war ay dhowaan soo saartay ku sheegtay habka ay is leedahay waa loola dagaalami karaa dhaqankan cudurka noqday ee musuqmaasuqa.

‘Transparency International’ waa hay’ad caalamiya oo aanay dawladi lahayn, waxa aanay hoggaamisaa dagaal caalamiya oo ka dhan ah musuqmaasuqa adduunka. Hay’addan oo sannad kasta soo saarta liiska, sida ay dalalka dunidu ugu kala horreeyaan musuqmaasuq badnaantu, waxa kale oo ay qabataa barnaamijyo ay wacyigelini ka mid tahay oo la xidhiidha musuqmaasuqa.

Haddaba hay’adda ‘Transparency International’ waxa ay dhowaan degelkeeda Internetka ku faafisay habab ay sheegtay in muwaadin kasta iyo xukuumaduhuba ku gaadhi karaan ka dhabaynta in ay horumar ka sameeyaan dagaalka cidhibtirka musuqmaasuqa; hababkaas ayaa kala ah:

IN XASAANADDA LA TIRTIRO

Sharciga oo si buuxda loo dhaqangeliyaa waxa ay lagama maarmaan u tahay in dadka musuqmaasuqa samaynayaa ay mutaystaan ciqaabtooda, iyo in la tirtiro dhaqanka ah in qofku ka badbaado ciqaabta ay tahay in la saaro ama in dib looga soo celiyo hantida iyo maaliyadda uu musuqay.
Arrintan waxaa lagu suurtagelin karaa in la sameeyo nidaam sharci oo xoog badan, iyo nidaam garsoor oo shaqaynaya, madaxbannaanina haysta, kaas oo awood u leh in uu xasaasanadaha xilalka ka gudbo marka loo baahan yahay.

MAAMUL WANAAJIN
Dib u habaynta iyo wanaajinta maamulka maaliyadeed ama xoojinta kaalinta ay wakaaladda dabagalka iyo la xisaabtanka ee dawladdu leedahay, ayaa kaalinta ugu weyn ka qaatay guulaha ay dalal badani ka gaadheen dib u habaynta iyo wanaajinta hay’adaha dawladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Meelaha ay dalalkaasi wanaajiyeen waxaa ka mid ah, in xogta miisaaniyadda laga dhigo mid daahfuran, (Dakhliga iyo kharashkuba cad yihiin), arrintaas oo ka hortag u ah in si qaldan loogu takrifalo khayraadka iyo maaliyadda qaranka.

XOOJINTA DAAHFURNAANTA
Dalalka guusha ka gaadhay madaxjebinta musuqmaasuqu waxa ay caan ku yihiin dhaqan xeeldheer oo ah, furfurnaan, xorriyad warbaahineed, daahfurnaan maaliyadeed iyo maamul, iyo in xogtu noqoto mid la heli karo oo aan dadka laga qarin.
In xogtu noqoto mid la gaadhi karaa waxa ay kordhisaa waxqabadka hay’adaha dawladda, waxa ay kor u qaaddaa heerka ka qaybgalka dadweynaha ee hawlaha qaranka.

DHISIDDA MUWAADINKA
In la xoojiyo doonista muwaadiniinta ee la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo in loo suurtageliyo la xisaabtanka xukuumaddu, waa jid aasaasi u ah xoojinta kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan xukuumadda.
Tusaale ahaan, hindiseyaal ahaa dabagal ay bulshadu samaysay, ayaa si weyn uga qaybqaatay fashilinta musuqmaasuqyo, iyo in la yareeyo ku takrifalka qaldan ee maaliyadda, isla markaana tayo ahaan iyo tiro ahaanba wanaajiyey adeegyadii dawladda.

DABOOLIDDA GALDALOOLOOYINKA DAWLADDA
Haddii aanu jirin nidaam maaliyadeed caalamiya oo ay gaadhi karaan, masuuliyiinta dawladaha ee musuqmaasuqa samaynayaa uma ay suurtagasheen in ay lacago sifo sharcidarro dalalkooda ugala baxaan iyo in ay qariyaan raadadka iyo faa’iidada ka soogasha hantida dawladda ee la dhacay.

Waxaa baahiweyn loo qabaa in bangiyada iyo xarumaha maaliyadeed ee waaweyni ay dejiyaan shuruudo iyo habab iyaga ama hay’adaha maaliyadeed iyo bangiyada la shaqeeya, ka mamnuuca in ay qabtaan ama la macaamilaan lacagaha lagu helo habab aan sharciga waafaqsanayn. Taasna waxaa bilowgeeda hirgelin kara dawlad kasta oo doonaysa in ay la dagaallanto musuqmaasuqa, iyada oo ka bilaabaysa in sharciyadan ay u samayso hay’adaha maaliyadeed iyo bangiyada ka jira dhulkeeda.

Xigasho: Turjum

WQ: Kamaal Marjaan