Somaliland Oo Ka Hadashay Maxaabiis Puntland Ah Oo Sheegay In Xabsiyada Hargeysa Lagu Jidh-dilo

741

Taliye ku-xigeenka ciidamada asluubta Somaliland Xasan Cali Cawad oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin warar ay maalmahan danbe qoreen warbaahinta qaar, kuwaaas oo sheegay; in xabsiyo ku yaala magaalada Hargeysa lagu jidh dillo maxaabiis u dhallatay Puntland oo lagu soo qabtay dagaalkii Tuke-raq.

Taliyuhu wuxuu intaasi ku daray in maxaabiista lagu soo qabtay dagaalkii Tuke-raq ay helaan daryeel wanaagsan, isagoo intaasi ku daray in aan wax dhibaato ah loogu geysan xabsiga.

Xasan Cali Cawada waxa uu xusay in xabsiyada Somaliland isbedel weyn lagu sameeyey isla markaasi aanay wax dhibaato ah ka dhicin xabsiyada dalka.

Warbaahinta Punland Post ayaa dhawaan baahisay wareysi ay la yeelatay maxaabiis sheegay in lagu soo qabtay dagaalka Tuke-raq oo ku xidhan xabsiyada Hargeysa isla markaasina sheegtay in dhibaato iyo tacadi badan loo geysto. Waa markii labaad ee Somaliland beeniso in maxaabiis lagu jidh dillo ama tacadiyo loogu geysto xabsiyada Hargeysa.

Xornimonews – Hargeysa Desk