Waalid Wiilkooda Maxkamad Soo Taagey Kaddib Markii Uu Ka Guuri Wayay Gurigooda

230
Dalka Maraykanka waxa ka dhacday sheeko xiiso badan oo ku saabsan waalid wiilkoodii ka dalbaday in uu ka taggo gurigooda oo uu magaalada galo.
Waalidka wiilkani dhalay ayaa maxkamad ku taal dalkaasi u gudbiyey dacwad ka dhan ah wiilkan oo  ay leeyihiin; wiilkani waanu soo korinay waxaana hadda la gaadhay wakhtigii aad ka guuri lahaa guriga maadamabay yidhaahdeen waxaanu soo korinay wakhti badan.
Waalidkanni ayaa ku doodaya in wiilkooda ay wakhti badan geliyeen isla markaasina uu hadda gaadhay wakhtigii uu isagu ismaamuli lahaa, waxa kale oo waalidkanni sheegeen in kirrada guriga iyo shaqada guriga aanu midnaba ka caawin oo ay iyaga uun ku kooban tahay.
Maxkamadda ay dacwadan u gudbiyeen waalidkanni ayaa wiilkanni ku amartay in uu si dhokhso ah uga guuro guriga waalidkii oo uu magaalada galo isla markaasina uu noloshiisa deberro.
Warqad ay wiilkooda u qoreen waalidkanni ayaa u dhigneyd sidan; haddii aad ka guuri waydoo guriga 13ka bisha Feb. si qasab ah ayaa gurigaga lagaga saari doonnaa…
Dalalka reer galbeedka inta badan waxa ka jira dhaqan ah in qofka marka la soo koriyo isla markaasina uu gaadho da’da 18 jirka uu gurigooda ka taggo isaga oo noloshiisa deberaya.
Ugu danbeyntiina sheekadan ayaa noqotay mid xiiso badan oo warbaahinta caalamka lagaga hadlo.