Boosaaso: Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Putland Oo Dhaawac Halis Ah Loo Geystay

246

Boosaaso ( Xornimonews )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland ay ku dhaawaceen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaalka la dhaawacay ayaa magaciisa lagu soo koobay Axmed Nuskiilo, kaas oo dhaawiciisa loola cararay mid ka mid ah cisbitaalada ku yaalla magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa la sheegay in ay goobta soo gaareen, kana sameeyeen howlgallo lagu soo qab qabtay tiro dad ah.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dhaawaca sarkaalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dhaawac halis ay ugeysteen sarkaalkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ay Puntland ka soo saartay dhaawaca sarkaalkaasi ka tirsan Ciidamadeeda.