Qisada Jaceylka ah Ee Qeys Iyo Leyla Xilliga Iyo Xasuusaha Aan Duugoobin Ee Illaa Haatan Loo Daawasho Tago.

712

 

Xaqiiqdii waxa jira qisooyin jaceyl ah oo taariikhda baal dahab ah ka galay islamarkaan aan la ilaabi karin. Qisooyinka jaceylka ah ee soo maray jasiiradda carabta oo ka dhacay qarniyo ka hor oo illaa iyo haatanna ay muuqato goobihii ay lammaanahaasi Qeys Iyo Leyla ay isku jeclaadeen. Ma aha qiso dhalanteed ah waana xaqiiq in Qeys uu jeclaa Leyla isla markaana u tiriyay gabayo aad u badan.

Leyla waxa ay ku noolaan jirtay magaalada magaceeda xambaarsan ee ku taalla dalka Sucuudiga ee Leyla, waxaanay magaaladaasi caasimada Sucuudiga ee Riyaad u jirtaa 300 oo Kilitir kana tirsan degmada Afkaaj ee dalkaasi. 

Waxa ka mid ah erayada kasoo yeedhay Qeys ee uu ku muujinayay heerka uu gaadhsiisanyahay jaceylka uu Leyla u hayay “Waxaan ku meeraa Guryaha, oo aan ka dayaa Leyla qurux, Abti labo waa tane waxaan dhunkadaa gidaarrada gurigooda kolba mid”.
Qisadan Jaceylka ah ee dhex martay Qeys iyo Leyla waa mid ka mid ah qisaska Jaceylka ee Ugu taariikhda dheer guud ahaanba dadka Carabta, waxaanay qisadani dhacday qarnigii koowaad ee Hijriyada kuna beegnayd xilligii talada ay hayeen Ummaawiyiintu waxaana xilligaasi talada Ummaawiyiinta hayay Marwaan Bin Al Xakam, waxaanu jaceylkaasi socday illaa iyo xilligii uu talinayay Cabdi Maalik Bin Marwaan.


Qeys waxa lagu naanaysi jiray “Majnuun Leyla” oo macnaheedu yahay ninkii u waashay Leyla, Qeys muu ahayn nin waalan balse jaceylka uu u hayay Leyla ayaa heerkaas gaadhsiiyay, Qeys waxa uu isku dayay in uu Leyla guursado laakiin qoyskeeda ayaa ka diiday, intaas ka dibna Qeys waxa uu weheshan jiray dugaagga, Qeys aabbihii kolkii uu ka yaabay wiilka uu dhalay ayaa waxa uu go’aansaday in uu Xajka u kaxeeyo, markii ay xaramka galeen ayaa Qeys aabihii oo la odhan jiray Malluux waxa uu ku yidhi “Qeysow aabbo kacbadii ayaad joogtaaye qabso kacbada oo Ilaahay ka bari in uu kaa biiyo kuna illawsiiyo jaceylka Leyla” Qeys ma uu maqal hadalkii aabbihii ee inta uu kacbada iska laalaadiyay ayaa waxa uu yidhi “Ilaahayow waxaan kaa baryayaa oo aan ku weydiisanayaa inaad iisiyaadiso jaceylka aan leyla u hayo”.


Jaceylka Qeys iyo Leyla ma aha mid aynu halkan kusoo koobi karno balse waxa xaqiiq ah in illaa iyo haatan loo booqasho tago magaalada Leyla oo buurta ku taalla ee magaceeda la yidhaahdo Tobaad loogu tagayo qoraallo uu Qeys ku qoray isaga oo Leyla ammaanaya, sidoo kale waxa ku yaalla gurigii ay Leyla degganaan jiray ee Qeys inta uu ku wareego gidaarradiisa kolba mid dhunkan jiray.

W/Q: Axmed Cabdiraxman (Axmed Fadhi)