Alshabaab Oo Weerar Qorshaysan Ka Fuliyay Gudaha Kenya

447

Weerar xooggan oo xalay ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan Magaalo xeebeedd Lamu ee dalkaasi Kenya ayaa waxa kasoo baxaya warar dheeraad ah. Weerarkan oo qorshaysnaa islamarkaana xoog badnaa ayaa waxa ku qaaday magaaladaasi dagaalyahanno ka tirsan Xarkadda Alshabaab.

Al Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay in ay ku gubeen illaa 2 Gaadhi oo ay lahaayeen Ciidamada dowladda Kenya, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.
Waxaana ay tilmaameen in ay ku qaadeen fadhiisin Ciidamadaasi ay ku leeyihiin magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa maalmihii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca Xadka Soomaaliya.

Xornimonews-Mogadisho Desk