Garoowe Oo Ay Ka Socoto Qaban Qaabada Soo Dhaweynta Raysal Wasaare Kheyre

329

Magaalo madaxda maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntaland ayaa waxa si weyn looga dareemaya diyaar garawga iyo qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kherye kaasi oo lagu wado in uu soo gaadho magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in marka uu Ra’isal wasaaruhu tago Magaalada Garoowe in ee xarunta Maamulka Puntland in uu halkaas kagala qeyb gali doono sannad guurada ka soo wareegtay aasaaska maamulkaasi taasi oo ku beegan kowda bishan 8aad ee August.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu lagu wadaa in uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineed,waxana la filayaa in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Magalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.
Maalmo ka hor ayaa waxaa Magalada Garoowe gaarey wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo isugu jira, xildhibaano iyo qaar ka mid ah howlwadeena Xafiiska ra’iisul Wasaaraha.