Goobjoogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashadii Somaliland Oo Warbixintoodii Rasmiga Ahayd Soo Bandhigay

522

Goobjoogayaashii caalamiga ee dusha kala socday doorashadii Madaxtooyada ee ka Qabsoonta Somaliland ayaa Lix bilood ka dib waxa ay soo bandhigeen warbixintii rasmiga ahayd ee ay ka qoreen qaabkii ay u qabsoontay doorashadu.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in doorashadii Somaliland ay ahayd mid si wanaagsan loo soo abaabulay una qabsoontay dhanka farsamada iyo isku duba ridkaba, waxaana ay tilmaameen in ay habboontahay in dib loo furo hannaankii diwaan galinta iyaga oo weliba ku taliyay in habkii hore uun dib loo furo islamarkaana dadkii aan isdiwaan galin dib loo diwaan galiyo kuwii horena ay isaga jiraan, waxaana ay sheegeen in arrintaasi lagaga hortagi karo carruurta aan da’doodu gaadhin xilliga codaynta kuwaasi oo mar walba caqabad ku ah doorashooyinka Somaliland kana qeyb gala waxaana ay yidhaahdeen “Kaliya middaas Somaliland waxa ay kaga hortagi kartaa in la hayo xogtii hore ee diwaan galinta”.

Goobjoogayaasha Caalamka ayaa waxa ay sheegeen in ay la socdaan dood ka dhex taagan xisbiyada Somaliland taas oo ah i la baddelo komishanka Doorashooyinka, waxaana ay ku tilmaameen in arrintaasi ay u muuqato muran dhanka siyaasadda ah oo aanay doonaynin in ay faraha la galaan balse waxa ay talo ahaan soo jeediyeen in aan mar kasta lagu deg degin baddelidda guddiga doorashooyinka arrintaasina ay meesha ka saarayso khibradda iyo aqoonta lagu wadi lahaa doorashada, markasta oo guddi cusub la soo magacaabana ay ku adkaanayso in ay kasoo bilaabaan halka ugu hoosaysa sidii ay u qaban lahaayeen hawsha loo igmaday.
Goobjoogayaasha Caalamiga ayaa sidoo kale waxa ay soo jeediyeen in la xoojiyo hay’adaha caddaaladda Somaliland si ay uga garnaqi karaan muran kasta oo ka dhasha doorashooyinka taasi oo meesha ka saari karta in muranka lagu xalliyo maslaxad dhinaca dhaqanka ah. Goobjoogayaasha ayaa sida oo kale soo jeediyeen in sharci loo sameeyo habka ay xisbiyadu dhaqaalaha ugu bixiyaan xilliga ololaha , gaar ahaan waxay tilmaameen dhinaca saxaafadda lacagaha ay ku bixiyaan si loo hubiyo in xisbiyadu isku saaxad haystaan xilliga doorashada marka la eego kharash garaynta dhinaca warbaahinta.

Xornimonews-Hargeisa Desk

Xornimonews@hotmail.co