Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Hadashay Mas’uul Ka Tirsanaa Oo Uu Madaxweynaha Soomaaliya Xil U Magacaabay

789

Maamulka jaamacadda magaalada Hargeysa waxay ka hadleen masuul dhawaan uu xil safiirnimo u magacaabay madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo la sheegay in uu ka tirsanaa jaamacadda Hargeysa.

Maamulku waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen in masuulkaasi oo lagu magacaabi jiray Prof Cabdilaahi Odawaa in aanu haba yaraatee ninkaasi ka tirsanayn jaamacadda Hargeysa gaar ahaan qeybta maamulka. Agaasimaha xidhiidhka dadwaynaha  u qaabisan Maxamed Axmed Sullub  oo la hadlay telefiishanka Eryal Tv uu sheegay in masuulkaasi uu jaamacadda Hargeysa xarun ku dhex taalay oo aan jaamacadda ka tirsanayn uu agaasime ka ahaan.

Ha yeeshee warbaahinta guddaha qaar kamid ah ayaa qoray in Pro. Cabdilaahi Odawaa uu ahaa masuul ka tirsan jaamacadda Hargeysa gaar ahaan qeybta maamulka. Hore xukuumadda Soomalaiya waxay xilka guddoomiyenimo ee maxkamadda ugu sareysa u magacowday Baashe Yuusuf Axmed oo hore jaamacadda Hargeysa wax uga dhigi jiray.

Xornimonews – Hargeysa Desk