Kalluumeysato Maalintii 6aad Lagu La’yahay Badda Berbera

601
Badda Berbera - Sawirka warbaahinta Xornimo [2017]

Laba nin oo kamid ah dhallinyarada kalluumeysatada ah ayaa lagu laayahay badda magaalada Berbera maalintii  6aad oo xidhiidh ah.
Dhallinyaradan kalluumeysatada ah iyo laashkii ay watteen ayaala sheegay inaan wax war ah laga haynin maalintii lixaad.

Dhallinyaradan kalluumeysatada ah ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Tuke iyo Khaalid Cabdixakiim Xaadhi. Xogahayaha ururka kalluumeysatada magaalada Berbera waxa uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda nololeed ee kalluumeysatadaasi.

Xoghaye Yuusuf Maxamuud Maxamed waxa uu sheegay in kalluumeysatadan ay raadiyeen, bal se aanay ku guuleysan baadi doonkaasi.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in laashkii ay watteen meel badda ah kaga ciladdoobay – sida ay hore u sheegeen kalluumeysada Berbera. Waxay kale oo xuseen in labadani dhallinyarada ah aanay sidan wax cunto ah oo ku filan.

Maamulka iskaashatada kalluumeysatada magaalada Berbera waxay sheegeen in wakhtigan hadda lagu jiro badda ay ka dhaceyso dabeyl xooggan, waxaanay intaasi ku dareen in hawl galka lagu baadi goobayo kalluumeysatadani la xoojiyo.

Wakhtiyadan oo kale waxa badda Berbera ka dhacda in lagu waayo kalluumeysato. Sannadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale kalluumeysato lagu waayay bal se markii danbe doontii ay watteen ula kacday dhanka Yemen ugu danbeyntiina la helay.

Xornimonews – Berbera Desk