Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Dalka Eriteria

345
Farmaajo iyo marwadiisa koobaad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha madaxtooyada Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ayaa yimid kadib markii uu casuumaad ka helay madaxwaynaha dalkaasi Eriteriya kadib markii ay Itoobiya iyo Eriteriya soo af jareen colaad muddo dheer dhex talay.

Xornimonews – Muqdisho Desk