Saddex Tallaabo Oo Shacabku Muuse Biixi Uga Fadhiyaan In Uu Qaado.

593
Muuse Biixi - Madaxwaynaha Somaliland - Xuquuqda sawirka warbaahinta Xornimonews

Waa madaxwaynihii 5aad ee ay yeelato Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday sannadkii hore 2017ka.

Muuse Biixi ayaa helay natiijada codeynta doorashada Somaliland 55.19% codadkii la dhiibtay. Sida ay sheegeen guddiga doorashada Somaliland.

Biixi doorashada kadib waxa hor yaalay cabaqabo kala duwan oo bulshada Somaliland eegaysay sida uu u wajihi doono. Hawlo badan oo hor yaalay madaxwayne Biixi waa uu ku guuleystay ka guddubkoodii hase yeeshee weli waxa jira talaabooyin ay shacabka Somaliland badankoodu u baahan yihiin maanta in uu qaado. Saddex kamid ah tallaabooyinka laga maarmanka ah ee bulshadu badankoodu qabto in uu madaxwayne Biixi qaado ayaa ah;

 

  1. Xal u helisa salluuga xukuumadda

Qeybo badan oo bulshada Somaliland waxay salluug badan ka qabaan xukumadda uu soo dhisay madaxwayne Biixi kadib markii uu talada dalka ku guuleystay. Xisbiyada mucaridka ah waxay aaminsan yihiin in aanay isku dheeli tirnayn xukuumadda Muuse Biixi. Beelaha darafyada Somaliland waxay qabaan in saamigii – xukuumadda ay ku lahaayeen aanay si cadaalad ah u heli isla markaasina madaxwayne Muuse Biixi ay ka rajeynayaan in uu dib ugu noqdo xukuumaddiisa.

 

  1. Siyaasadda arrimaha dibada

Qodobka kale ee muhiimka ah ee Muuse Biixi madaxwaynaha Somaliland looga baahan yahay in uu maanta si toos hawshiisa u guddo galo ayaa ah; siyaasadda arrimaha dibada. Dad badan oo arrimaha siyaasadda Somaliland fallan-qeeya ayaa aaminsan in siyaasaddii arrimaha dibada Somaliland uu hoos u dhac weyni ku yimid tan iyo intii uu talada dalka qabtay madaxwayne Biixi.

Pro. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka tirsam xisbiga muxaafidka Kulmiye oo dhawaan wax laga weydiigey hanaanka ay u socoto siyaasadda arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in dib u dhac weyni ku yimid haatan. Pro. Samatar oo wareysi siiyey telefiishanka HCTV waxa uu xusay in siyaasadda arrimaha dibada Somaliland ay tahay halka keliya ee bulshada caalamku ka qiimeynayso Somaliland.

Haddaba Biixi oo haatan dareensan in hanaanka ay u socoto siyaasadda arrimaha dibada Somaliland waxa laga sugayaa in uu qaado talaabooyin uu wax kaga bedelaayo siyaasadda arrimaha dibada. Somaliland ayaan haatan ka dhex muuqan isbedelada siyaasaddeed ee ka socda gobolka gaar ahaan geeska Afrika – waana sababta ay dad badani u qabaan in siyaasadda arrimaha Somaliland hoos u dhac weyni ka muuqdo.

3 . Safar dalka guddihiisa ah

Talaabada saddexaad oo ah tan ugu danbeysa ee marka shacabka dareenkooda la cabiro ayaa ah ‘in madaxwayne Biixi uu safar ku tago gobolada dalka si uu xaaladdaha taagan u soo indho indheeyo”. Muddo ku siman toddoba bilood oo uu kursiga madaxwaynenimo ku fadhiyey Muuse Biixi Cabdi ma jirto safar dhulka ah oo uu ku tagey gobolada dalka.

Xanaf iyo kala kagaganaan badan ayaa ka dhex jirta shacabka ku dhaqan gobolada oo ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday. Khadar Maxamuud oo ah fallan-qeeye siyaasaddeed waxna ka bartay jaamacadda Hargeysa oo aanu wax ka weydiinay faa’iidada ka dhallan karta safar uu madaxwayne Biixi ku tago gobolada dalka waxa uu sheegay in ay faa’iido badan ku jirto, “Madaxwaynuhu haddii shacabkii doortay iyo kuwii aan dooranba u tago oo ka war helo xaaladda ay ku sugan yihiin shacabku waxay dareemayaan in ay leeyihiin madaxwyane dareensan xaalkooda. Maaha in madaxwaynuhu keliya Hargeysa uun fadhiyo. Waa in uu dalkiisa hadba halka ay wax ka jiraan tagaa.” Ayuu yidhi Khadar.

Khadar wuxuu qabaa sidoo kale aragti ah in safarka dibada ee uu madaxwaynuhu tago ay ka muhiimsan tahay safarada uu dalka guddihiisa.

Aragtida dad kale ayaa sheegaysa in madaxwaynuhu uu mashquul ku yahay arrimaha dalka isla markaasi aanay muhiimad badani ku jirin safar uu ku tago gobolada dalka qaarkooda.

Isku soo wada duub oo madaxwaynaha Somaliland waxa ay tallooyin badan iyo toosin xukuumaddiisaba ah uga imanaysaa qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Xornimonews – Hargeysa Desk

Xuquuqdu waxay u dhowrsoon tahay warbaahinta Xornimo Media Group