Shabeelle: Weriye Lagala Baxay Gurigiisa

304

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weriye ka tirsan Idaacad ku taalla degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose saaka lagala baxay gurigiisa.

Wariyaha lala baxay waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Yuusuf, waxaana uu ka tirsanyahay Idaacadda Radio Wanllaweyn oo magaalada ka howlgasha.

Agaasimaha Radio Wanllaweyn Ismaaciil Mire ayaa sheegay in ciidamo aanay garanaynin saaka weriyaha gurigiisa kala baxeen.

Sawirka Weriyaha

Wariye Ismaaciil ayaa ah madaxa shaqada iyo shaqaalaha Idaacadda, waxaa uu sidoo kale soo saare ka yahay barnaamijka ciyaaraha  ee ka baxa raadiyaha.

Lama oga sababta weriyahan loogala baxay gurgiisa.

Ehelka wariyaha ayaa ka walaacsan falka saaka lagu kaxeystay weriyaha, waxaana ay intaas ku dareen in ay ka welwelsanyihiin xaaladdiisa.

Xornimonews – Muqdisho Desk