Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Warbixiyay Hawl Gallo Ay Sameeyeen Iyo Dad Ay Soo Qab Qabteen

1346

Taliska guud ee Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay hawlgallo ay maalmihii u dambeeyay ka wadeen dalka kuwaas oo la xidhiidhay arrimo kala duwan oo ciidamad boolisku fuliyeen. Taliye ku xigeenka guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta si wada jira ugula hadlay taliska guud ee ciidanka Booliska ayaa waxa ay ka warbixiyeen hawlgallo ay maalmihii ugu dambeeyay fuliyeen iyo waxyaabaha ay kusoo qab qabteen iyaga oo sheegay in falal dambiyeedyo dadkii ka dambeeyay ay gacanta kusoo dhigeen, ugu horrayna waxa hadal kooban jeediyay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Fooxle waxaana hadalladiisii ka mid ahaa ” Waxa illaa hadda lagu soo qabtay gacanta gaadiidka la yidhaahdo Fitz ta oo qaarkood loo adeegsanayay dambiyada, gaadiidkaas qaarkood waxaanu ku haynaa Lambar la’aan oo numberrada ayay ka furayaan, qaarkood waxaanu ku haynaa buug la’aan, habeenkiina kuwa wax xadaa iyaga ayay ku boodaan oo ku cararaan sidaas darteed baadhitaan dhab ah ayaanu ka wadnaa oo aanu kula dagaallamayno dhaqan xumada baabuurtaas iyo in aanu ku soo celinno marxaladdoodii wanaagsanayd ee ay lahaayeen, haddii ilaahay ka dhigo toddobaadkan waxa aanu bilaabayno in aannu dadweynaha toddobaadkiiba usoo bandhigno wax qabadka ciidamada booliska, qorshahan imika aanu wadno waxa kamida in aanu kusoo qab qabano tuugta,kuwa mukhaadaraadka ka ganacsada iyo kuwa tuugta ah oo magaalada kusoo batay imika”.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo isna hadalka kaga dambeeyay Taliye fooxle ayaa waxa uu yidhi ” Haddaan u galo 2018 ciidanka Booliska Somaliland waxa ay soo qabteen illaa 304 dhallinyaro ah oo qaswadayaal ah oo Hargaysa dhexdeeda laga soo qabtay, dhallinyaradaasi illaa 164 dhallinyaro ah maxkamadda ayaa la geeyay waxaana ku dhacay ganaaxyo kala duwan, illaa 70 maxbuus oo dhallinyaro ahina waxa ay gar suge ku yihiin saldhigyada Booliska ee Magaalada Hargaysa, dhallinyaradaas qaswadayaasha ahi waxa ay la yimaadeen tabo cusub oo aynaan hore u aqoon, waxay soo kaxaysanayaan gawaadhida Fitz ta waxaanay ku dhacayaan oo ay ku boobayaan dadka, Ciidanka Booliskuna in badan oo falalkaa geysatay gacanta ayay ku hayaan oo sharciga ayaa la horkeeni doonaa, ciidanku iyaga oo taa ka duulaya waxa ay gacanta kusoo dhigeen illaa 100 baabuur oo Fitz iyo noocyo kaleba leh”.
Waxa muddooyikii ugu dambeeyay kusoo badanayay magaalad Hargaysa dhallinyaro baabuurta yar yar ee tagaasida gaar ahaan nooca Fitz ta ku dhacayay dadka.

Xornimonews-Hargeisa Desk

Xornimonews@hotmail.com