Warbixin: Itoobiya Ma Ka Maarmi kartaa Dekedda Berbera?

1025
Dekadda Berbera - Sawirka [Google; Photo File]

Bilihii ugu dambeeyay waxa mandaqadda Geeska Afrika ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbedello hor leh oo ku yimid qaab nololeedkii waddamada geeska Afrika, waxaana kow ka ah isbaddelka Siyaasadeed ee ku yimid waddanka ugu mugga iyo cududda weyn geeska Afrika ee Itoobiya kadib markii uu Ra’iisalwasaare ka noqday ninka da’da yar ee Abey Axmed kaasoo noqday mid la yimid siyaasad aad u furfuran.

Isbaddelkaasi ku yimid Itoobiya ayaa waxa uu muranno siyaasadeed iyo isdiidoodiyin dhaqaale ku dhaliyay Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti kuwaas oo walaac weyn ka qaaday heshiiskii dhexmaray waddamada Itoobiya iyo Ereteriya iyo weliba Imaaraatka oo hoosta kaga jiray.

Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxa ay tahay dawladda Itoobiya haddiiba ay la heshiisay Ereteriya ma ka maarmi kartaa Dekedda Berbera oo ma u wareegi kartaa Dekedaha Ereteriya?

Si aynu jawaabta su’aashaas u helno waxa aynu marka hore faham guud ka qaadanaynaa dhulka ay ku kala yaallaan dekedahani iyo sida ay wax usoo gaadhsiin karaan Itoobiya qeybaheeda oo dhan. Dekedaha Ereteriya ee ugu waaweyni waa labada dekadood ee Casab iyo Musawac oo Waqooyi galbeed kaga beegan dalka Itoobiya waana dekado u baahan maalgalin iyaga lagu sameeyo iyo weliba maalgalin jidadka ah (Transportation) kuwaas oo keenaya gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan bariga Itoobiya oo ah dhinaca ugu dadka badan ee la beegsanayo suuq ahaan, waana masaafo dhan kumannaan Kilomitir, waxaana  ku baxaya dhaqaale Balaayiin Dollar ah oo aanay Itoobiya awood u lahayn.

Itoobiya hore waxa ay isugu dayday in ay lacag ka deynsato Bangiga Adduunka (World Bank) taasi oo ay u doonaysay in loogu maalgaliyo deked xeebeedda Kenya ee Lamu oo Itoobiya u jirta in ka badan 1000 Kilomitir si ay wax ugala soo degto, ka dib qiimayn  lagu sameeyay dhismaha dekedda iyo Jidka ka imanaya Lamu waxa lagu qiyaasay lacag kor u dhaafaysa $20 Bilyan oo dollar sidaas darteed deyn bixiyayaashi way ku qanci waayeen in lacagtoodii halkaas uga soo noqon karto waana ay diideen deyntaasi bixinteeda, maadaama deyn bixiyayaashu ku xisaabtamayaan Faaiido iyo in lacagtoodii ay dib heli karaan.

Haddaba dekedda Berbera oo lagu wareejiyay shirkadda DP World ee Imaaraatka laga leeyahay  taas oo gacanta ku haysa muddo Sannad iyo badh ka badan Itoobiyana laga siiyay Saami dhan 19%, saamigaasi oo ay Shirkaddu ugu talo gashay si goobta ama kadinka Itoobiya wax uga soo degaan uu u noqdo dekedda Berbera. Dekedda Berbera ayaa ah mid aad muhiim ugu ah dalka Itoobiya maadaama kaliya maalgalinta kaga baxaysaa ay noqon karto waddada isku xidha Berbera Illaa Wajjaale taas oo noqonaysa 250 Kilomitir oo qudha , deyn bixiyayaashuna ay ku dhiirran karaan in Itoobiya ay ka caawiyaan mashruucaas kooban. Dekedda Berbera ayaa  dhinaca badda uga dhaw Maraakiibta ka imanaysa waddamada Eeshiya ee inta badan Itoobiya ay wax kala soo degto sida China, India iyo Jappan sababta oo ah Markabka ka yimaadda Dhinaca bariga ee waddamada Eeshiya ama Dubai waxa ay ku qaadan kartaaa kumannaan Kilomitir oo dheeraad ah in uu ku xidho dekedaha xagga waqooyi Itoobiya kaga beegan ee Ereteriya, taas ayaa iyana ah qodob kale oo dekedda Berbera  muhiim ugu tahay dawladda Itoobiya iyo Maalgaliyayaasha  ay deynta ka qaadato maadaama aanay iyadu haysan dhaqaale ay wax ku maalgashato.

Dekedda Berbera  ayaa illaa muddadii ay la wareegtay shirkada DP World waxa ka muuqda habacsanaan baahsan, waxaana weli gacmaha lagu rogaa Badeecadaha dekedda kasoo dega taasi oo dhib ku ah horumarka dekedda iyo in ay la tartanto kana qeyb qaadato dhaq dhaqaaqa baaxadda leh ee ka bilaabmay gobolka, shirkadda DP World ayaan illaa haatan ku sameynin dekedda maalgalintii laga rabay iyada oo gacanta ku haysay muddo  ku badan 15 bilood. Illaa iyo haatan bulshadu waxa ay isweydiinaysaa heshiisyada dawladda Imaaraatku la gashay Somaliland waxa ka qaldan iyo sida ay wax u soconayaan maadaama xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraatku gaadhay heer Saldhig Milatari laga siiyo Imaaraatka magaalada Berbera waana arrimo fasir dheeraada in lagu sameeyo u baahan.

Dhanka kale dawladda Imaaraatka oo ahaa dhexdhexaadiye door weyn ku lahaa heshiiska dhexmaray Addis iyo Asmara ayaa haddii uu maalgashade ka noqdo dekedaha Ereteriya waxa caqabad iyo hummaag soo geli karaa dekedda Berbera ee uu heshiiska kula jiro, waxaana ay u eegtahay in aanu rabin in uu dekedda Berbera gacanta ka qaado balse lama wada fahamsana waxa uu Imaaraatku ka damacsanyahay Dekedda Berbera oo Fasiraad dheeriya ayay ubaahantahay taasina.

Dekaddaha Geeska Afrika

Dhinaca kale Dekedaha Ereteriya ayaa waxa gacanta ku haysa dawldda Ereteriya taasi oo aanay Imaaraatka uga suurtoobi Karin in heshiisyo dhinac ka raran ama khiyaamo iyo boob ku dhisan ay ku helaan dekedahaasi maadaama Madaxweynaha Ereteriya Afawerki iyo shacabkiisaba lagu yaqaanno in ay yihiin dad waddankooda aad u jecel (Nationalists) si dhayal ahna aan heshiis loogu khiyaami Karin, halka dekedda Berbera ay Imaaraatka uga suurtawday in heshiiska illaa ansixintiisii golaha Baarlamaanka ay gacan ku yeeshaan si waxay rabaan ugu wada meel maro.

Ugu dambayn haddii dekedda Berbera ay nasiib u heshay buqcadda muhiimka ee aanay ka maarmi Karin dawladda Itoobiya waxa biyo kama dhibcaan ah in la helo siyaasaddii hagi lahayd kuna dari lahayd tartanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka curtay geeska Afrika, waxaana horyaalla dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyaha ka yahay Muuse Biixi in ay hurdada ka toosto dibna boodhka uga jafto siyaasaddeeda arrimaha dibadda taasi oo habacsani baahsani ka muuqato muddooyinkii ugu dambeeyay iyo in Madaxweyne Biixi wadatashi ballaadhan la sameeyo Aqoonyahanka iyo waayo aragga miidha ah ee aadka wax uga yaqaanna arrimaha dibadda iyo siyaasadaha gobolka si ay gacan uga geystaan duufaantan siyaasadeed ee wakhtigu dabada ka riixayo soona waajahday siyaasaddii iyo cilaaqaadkii Somaliland.

Xornimonews – Hargeysa Desk

Xuquuqdu waxay u dhowrsoon tahay warbaahinta Xornimo Media Group