Wasaaradda Xanaannada Xoolaha: Lama Qali Karo Xoolaha Dheddig Ciidda Carafo

456

Wasaaradda xanaannada xoolaha Soomaaliya ayaa mamnuucday in xilliga Ciidda Carafo la Gawraco Xoolaha dheddig,waxaana ay ka digtay in falkaas ay ku kacaan dadka.

Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaaliya Maxamed Cumar ,ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ka sheegay in dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Sucuudiga la fasaxay.

Waxaa kale oo uu Agaasimuhu sheegay in aan la gawrici karin Xoolo aan la soo marsiin Wasaaradda Xilliga Ciidda Carafo ee soo socota.

Hadalkan waxaa uu soo baxay iyada oo wax ka yar muddo bil ah ka dhimantahay Ciidda Carafo ee dhamaadka Sanadka 1439 Hijriyada.

Xornimonews – Muqdisho Desk