Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Kulan Ay Ku Heshiiyeen Ku Wada Qaatay Ankara

327

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay inuu booqasho ugu tagay Xasan Sheekh.

“Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday dibadda, tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, oo uu cadaadis kala kulmay Ciidamada NISA.

Dhanka kale Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.
Hoos ka aqris qoraalka uu Xasan soo dhigay twitter.

Maanta waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey.
Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo.

Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay
Sidoo kale Waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka, sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Kulankeenna waxaan ku soo gabagabeynay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed heer kasta ha joogaane, loo baahan yahay wax kasta in laga hormariyo sidii si wadajir ah loogu istaagi lahaa dalka iyo dowladnimada.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka, caqabadaha jira iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Xornimonews-Hargeisa Desk

Xornimonews@hotmail.com