Al-Shabaab Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin 50 Sanno Jir Ahaa

433

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay xukun dil  toogasho ah ku fuliyeen nin oday ah oo ay sheegeen in uu horey u diley wiil iyo aabihiis

Xukunka dilka toogashada ah ayaa lagu fuliyay Cali Maxamed Cali oo 51 sano jir ahaa, kaas oo lagu eedeeyay in uu dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur (oo ahaa Aabaha) iyo Cali Aadan Cali (oo ahaa Wiilka).

Dilka 2-da qof ayaa yimid ka dib markii la sheegay in raashiinka loogu daray sunta jiidhka, waxaana dhimashada 2-da qof ka sokow sidoo kale ay suntu saameysay 3 carruur ah balse badbaaday.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee magaalada saakow ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu maxkamadda ka hor qirtay falka uu kula kacay dhibanayaasha kaas oo ka dhacay tuulo hoos tagta magaalada saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

 

Al-Shabaab ayaa marwalba xukuno dil ah waxa ay ka fuliyaan deegaanada ay weli ka maamulaan qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Xornimonews – Muqdisho Desk