Kenya Oo Ciidamo Gaar Ah Kusoo Daabulaysa Xadka Soomaaliya Iyo Dad Hore Ay U Kaxaysteen Oo Weli La La’yahay

220

Dowladda Kenya ayaa waxa ay maalmihii ugu dambeeyay kusoo daabulaysay ciidamadeeda sida gaarka ah u tabo baran loona yaqaano Antateera xadka ay la leedahay Soomaaliya.

Goobaha sida gaarka ah loogu arkay ciidamada ayaa waxa ka mid ah aga-gaarka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo dagmada Dhoobley ee gobolka jubbada Hoose.

Arintaan ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka ku dhaqan goobaha lagu arkay ciidamadaan maadama sida la sheegay ciidanka dad ay horay u kaxeysteen ilaa iyo hadana la la’yahay.

Dhawaan ayaa ciidamada loo yaqaan Antateera waxa ay ku gubeen xarrun shirkadda Hormuud ay ku laheyd aga-gaarka dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ayaa waxa ay ula dhaqmaan shacabka deegaaannadaas si ka baxsan bani’aadaminimada.